
Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dawlad gobaleedyada safkiisa ku jiray ee la saxiixday Heshiisyadii doorashooyinka Tooska ah, haddana doonaya in ay ka baxaan, gaar ahaana Laftagareen ayuu sheegay in aan laga aqbaleyn doorasho Dad-ban.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay hayaan 20 Heshiis oo ay saxiixeen xubnahan oo aan laga yeeleyn in ay qabsadaan doorasho ay u madax banaan yihiin oo Dad-ban, tan oo fariin toos ah u ah wali madaxda safka Villa Somalia ku jirta.Jowhar local news
Waxa uu sheegay In doorasho dad-ban uusan yeeleyn oo ay ka dagaalamayaan, ayna rabto dowladdu oo kaliya Doorasho qof iyo cod ah.



















