Cabdicasiis Xassan Max’ed “Lafta-gareen” ayaa markale noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo aysan raali ka aheyn dowladda Faderaalka oo in ka badan 2 kun oo askari kusi li wada magaalada Baydhabo, si ay uga adkaato Laftagareen.
Dowladda ayaa doonaysay in Lafta-gareen inta uusan doorasho qabsan lagu duulo oo Baydhabo la galiyo marxalad dagaal, balse taas ayaa madaxtooyada KG ay ka hortagtay, hal maalin doorasho ayayna ka dhigtay dhammaan geedi socodka doorashada.South West news
Musharax Cabdullaahi Xassan oo ahaa wasirkii hore ee arrimaha gudaha KG ayaa helay 13 cod, Lafta-gareen na uu helay 66 cod.
Hadda dhinacyada ayaa is wajahaya, iyadoo galka doorashaba aysan dhinaca Lafta-gareen ka hadleyn, ee ay ka doodayaan duulaan lagu soo qaaday uun.




















