Qaar kamid ah Ciidanka Lafta gareen oo laqabtay +SAWIRRO

22

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka duleedka magaalada Baydhabo ka waday howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxo Khawaarij ah oo muddo ku sugnayd deegaanka, kana fulinayay falal amni darro iyo hanjabaad ku wajahan shacabka. Intii howlgalka socday, maleeshiyaad hubeysan oo ka amarqaata Cabdicasiis Laftagareen ayaa si kadis ah weerar ugu qaaday ciidamada, iyagoo isku dayay in ay joojiyaan howlgalkii nabad ilaalinta ahaa.

Ciidamada oo heegan sare ku jiray ayaa si dhaqso ah uga falceliyay weerarka, iyagoo si habsami leh iskaga caabiyay weeraryahannada. Ciidamada ayaa jabiyay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, waxaana gacanta lagu dhigay tiro ka mid ah weeraryahannadii, halka qaar kalena ay ka baxsadeen goobta. Tallaabadan ayaa muujineysa diyaar garowga iyo awooda ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka hortagga hanjabaadaha hubeysan.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamada ay hadda xaaladda gacanta ku hayaan, ayna sii wadi doonaan howlgalka nabad ilaalinta iyo sugidda amniga guud ee Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in shacabka ay ka warqabaan xaaladda, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada si looga hortago khataraha ka imaan kara kooxaha hubeysan.

Sida laga soo xigtay saraakiisha wasaaradda, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la soo bandhigo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan tirada la qabtay, hubka la soo furtay, iyo sida howlgalka uu u saameeyay amniga guud ee gobolka. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyin dheeraad ah lagu xaqiijin doono nabadgelyada waddooyinka, goobaha ganacsiga, iyo meelaha ay shacabka ku badan yihiin, si loo hubiyo in weerar kasta oo kale oo dhici kara si degdeg ah looga hortago.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa ugu dambeyntii ku boorisay shacabka Baydhabo in ay u diyaargaroobaan sidii ay ciidanka u taageeri lahaayeen, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada si loo sugo nabadda iyo xasiloonida, iyadoo la xoojina amniga.