Warar hordhac ah & muuqaalo la baahiyey ayaa muujinaya ciidamada dowladda Faderaalka ee kayimi Buurhakaba shalay oo kusugan qeyb kamid ah gudaha magaalada Baydhabo, iyagoo ay Koonfur Galbeed sheegayso in ay is difaacday oo ka hortagay gulufkan.
Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in ay maleeshiyaad Maxaabiis ah qabteen, halka Afhayeenka Koonfur Galbeedna shegay in ay soo bandhigi doonaan faahfaahin dheeraad ah.
Ciidanka Itoobiya ayaa isku fidiyey agagaarka madaxtooyada ilaa garoonka diyaaradaha, iyadoo wararku cadeynayaan in saaka ciidanka Daynuunay kasoo duulay loogu khudbeeyey in aysan goobahaas u dhawaan karin.
Ilo wareedyo madax banaan ayaa sheegaya in agagaarka Suuqa Xoolaha halka loo yaqaano ay kasoo galeen ciidamo katirsan kuwa mucaaradka KG ee deegaanka, ayna soo raaceen ciidanka Gorgor qaarkood.
Diyaarado dagaal ayaa magaalada dul-maraya, kuwaas oo taageeraya ciidanka dowladda Faderaalka.




















