DAAWO: Aadan Madoobe oo Baydhaba si weyn loogu soo dhaweeyay +SAWIRRO

30

Wafdi sare oo ka socda Dowlada Somalia islamarkaana uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Aadan Mdoobe ayaa gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed.

Gudoomiye Aadan Madoobe waxaa ku wehliya socdaalka Baydhaba Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad ee Xukuumada Somalia Jabriil C/rashiid Xaaji, Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cali Xoosh iyo Wasiir Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur,waxaana Baydhaba ku soo dhaweeyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somalia Xasan Eelaay oo dagaalkii lagu qabtay Baydhaba qeyb ka ahaa.

Guddoomiyaha ayaa markii la soo dhaweeyay wuxuu shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay midnimo iyo inay garab istaagaan dowladnimada xili uu saxaafada kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Shaati-guduud ee Magaalada Muqdisho.

Guud ahaan masuuliyiinta Dowlada kuwii hore u joogey iyo kuwa hada tagay iyo masuuliyiinta |Koofurgalbeed ayaa lagu wadaa inay maalmahaan yeeshaan kulamo looga arinsanayo isbadalka iyo sidii degdeg loogu soo dhisi lahaa maamul cusub.