DAAWO: Nabadoon Shuute oo lagu dilay NO 50 iyo ciidamada ka danbeeyay oo laqabtay.

22

Wararka ka imaanaya Deegaabka NO 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi xalay saq dhexe lagu dilay Nabadoon caan ah oo u dhashay Beesha Biya-maal kaasoo lagu magacaabi jirey Nabadoon Shuute abukar Cusman.
Allaha u naxariistee Nabadoonka waxa si gaar ah loogu weeraray oo nafta lagu dhaafiyay Deegaanka Fadmuuse ee hoostaga Lamber,50 Gaboalka Sh/hoose.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha dilka gaystay gacanta lagu soo dhigay kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka Gobolka Shabeelaha Hoose,waxaana lagu wadaa in sharciga la hor geeyo si loogu qaado ciqaabta u qalanta dhibaatada ay gaysteen.
Waxaa xusid mudan in dilkiisa ay ka dabeeyaan ciidamo ka tirsan kuwa kumaandooska Gor-gor kuwaasoo su’aalo laga weydiinayo waxa ku kalifay inay nabadoonka dilaan walow dadka deeganku soo sheegayaan in muran soo kala dhexgalay ciidamada iyo Nabadoonka xili walaashiis oo la dharbaaxay xalinteeda uu ku baxay Nabadoonka sidaas lagu dilay kadib is qabqabsiga oo dheeraaday.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in Nabadoonka la dilay uu si weyn uga soo horjeeday kana hadlay marar badan Dhul boob la sheegay inuu ka socda baqal iyo xawaalow,sidoo kale Nabadoonka wuxuu dhawaan ka qeybgalay shirweynaha aay, ka tashiga ee Dhurqabe ee beelaha biimaal Kaas oo ka dhacay Magaalada Marka.