
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa soo saaray digreeto uu ku magacaabay hoggaamiye kumeelgaar ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Digreetadan oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.
Jibriil, oo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, ayaa xilkan kala wareegaya Cabdicasiis Lafta-gareen, kadib markii awood ciidan looga saaray xukunka.
Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya xoogag taabacsan mucaaradka ee isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed, ayaa Isniintii si milatari ula wareegay magaalada Baydhabo.
Lafta-gareen ayaa ka hor inta uusan ka dhoofin Baydhabo shaaciyay inuu iscasilay, isla markaana uu si ku-meelgaar ah xilka ugu magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda waddo dadaallo ay ku doonayso in maamulka Koonfur Galbeed lagu qabto doorasho qof iyo cod ah, nidaamkan oo horey u noqday mid la isku khilaafay, isla markaana ay si adag uga soo horjeedaan mucaaradka.
Magaalada Baydhabo waxaa haatan ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii loo xaqiijin lahaa qabashada doorasho ka dhacda maamulka Koonfur Galbeed.




















