DAAWO: 390 Xildhibaan oo maanta lagu dhaariyey Magaalada Muqdisho +SAWIRRO

19

Munaasabadda dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka ee magaalada Muqdisho oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo tiradoodu gaareyso 390 mudane ayaa si rasmi ah loo dhaariyey, waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada kula dardaarmay inay si hufan oo cadaalad ah ugu adeegaan bulshada ay matalayaan.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey tallaabadan muhiimka ah.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadashay ayaa sheegay in dhismaha Golayaasha Deegaanka ee ku yimid doorasho qof iyo cod ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo dib u soo celinaysa nidaamka dowladnimo iyo matalaadda shacabka, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen doorashooyin noocan ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa munaasabadda ka sheegay in dhowaan ay soo saari doonaan jadwalka doorashooyinka deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo ah doorashooyin isku xiran oo lagu dooran doono golayaasha deegaanka degmooyinka iyo xubnaha Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, wuxuu xusay in guddiga doorashooyinka ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan matalaad dhab ah oo ay iyagu doortaan, taas oo xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Si kastaba, dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay tahay mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu hirgelinayo nidaamka dowladaha hoose ee dalka, iyadoo hanaanka doorasho ee ay ku soo baxeen xildhibaannada ay meel adag ka istaageen siyaasiyiinta mucaaradka.