Markabkii soo saari lahaa Shidaalka Soomaaliya oo kusoo xirtay dekeda Muqdisho

37

Markabka Turkiga laga leeyahay ee Çağrı Bey ayaa soo gaaray caasimadda Muqdisho, isagoo qayb ka ah dadaallada lagu baarayo laguna qodayo shidaalka ku jira xeebaha Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in howlaha sahminta iyo qodista ay weli qaadan karaan sannado ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin soo-saarista shidaalka.

Imaanshaha markabkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waddo qorsheyaal ay ku qabanayso doorashooyin toos ah dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in mashruucyada waaweyn ee dhaqaale, sida sahminta shidaalka, ay dowladda siin karaan fursad ay ku xoojiso taageerada shacabka isla markaana ay ku yareyso cadaadiska mucaaradka ka imaanaya.

Dhanka kale, arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan sida kheyraadka dabiiciga ah loo maamuli doono, iyo saamaynta ay ku yeelan karto siyaasadda gudaha iyo mustaqbalka dhaqaalaha dalka.