Garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo lagu daray Garsoorayaasha Koobka Aduunka 2026

28

 

Waa guul weyn oo Somaliweyn ay maanta xaqiijiyeen kadib markii Garooraha Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cumar C/qaadir Cartan uu ka soo muuqday liiska Garsoorayaasha dhex dhexaadin doona koobka kubada cagta Aduunka ee sanadkan 2026 lagu qaban doono dalal uu Mareykanku ka mid yahay.

Sida la rumeysan yahay guushaan waxay ku timid qadarta Alle, ka sokana waa dadaal, karti iyo juhdi joogto ah oo uu si gaar ah u bixiyay Garsoore Cumar Cartan kaasoo dhawaan ku guuleystay in loo doorto Garooraha Afrika ugu fiican.

Cali Cabdi Shiine oo ah Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya ayaa war qoraal ah uu soo saaray wuxuu ugu hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan.
“waxaan Hambalyo u dirayaa garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha loo xushay inay dhexdhexaadiyaan tartanka Koobka Adduunka (World Cup)” ayuu yiri Cali Shiine
“tani waa sharaf weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya guud ahaan, waxaan u rajeeynayaa guul iyo in uu si hufan u gutto waajibaadka culus ee loo igmaday” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubad cagta .