Pakistan oo Natanyahu ku tilmaantay “Shar ku Habsaday Aadanaha”

31

Wasiirka gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa si adag u dhaliilay Israa’iil, isagoo ku tilmaamay “shar iyo belaayo ku dhacday aadanaha,” xilli ay sii socdaan weerarrada ka dhacaya dalka Lubnaan.

Hadal uu jeediyay oo ay baahisay Al Jazeera, ayuu Asif ku sheegay in Israa’iil ay weli waddo duqeymo iyo dilal culus oo ka dhacaya gudaha Lebanon, inkasta oo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro xabad-joojin iyo wada-hadallo nabadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan saameynta bani’aadamnimo ee ka dhalan karta weerarrada, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qaado tallaabo degdeg ah si loo joojiyo colaadda sii hurineysa xiisadda gobolka.

Hadalkan ka soo yeeray Pakistan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Israa’iil, iyadoo dalal badan iyo hay’ado caalami ah ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka laguna laabto miiska wada-hadallada.

Dhanka kale, weli si rasmi ah ugama hadlin Israa’iil eedeymaha ka soo yeeray Pakistan, iyadoo xaaladda gobolka ay weli tahay mid kacsan oo u baahan xal degdeg ah.