
Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa guriiisa ku booqday Ugaaska cusub ee dhawaan la caleema saaray ee Beelweynta Mursade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi sida uu ku cadeeyay qoraal uu baraha bulshada ku faafiyay Farmaajo.
Kulanka Madaxweyne hore iyo Ugaaska waxaa ku wehliyay odeyaal dhaqan iyo waxgarad Soomaaliyeed kuwaasoo uu ka mid yahay Nabadoone Xaad.
“Farxad ayey ii tahay in aan Hooygiisa ku booqdo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo dhawaan lagu duubay magaalada Muqdisho, anigoo ugu hambalyeeyey hoggaaminta saldanadan faca weyn”ayuu yiri Farmaaj
Mar uu ka sharaxayay Farmaajo waxa uu kala hadlay Ugaaska wuxuu sheegay inay isla soo qaadeen xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo doorka dhaqanku ay ku leeyihiin samatabixinta iyo dowlad-dhiska.
“waxaan isla soo qaadnay Ugaaska doorka dhaqanka , adkaynta midnimada iyo marxaladdan adag ee dalku uu ku jiro duruufo siyaasadeed oo halis ah” ayuu mar kale yiri Farmaajo.




















