DAAWO: Macalin Mahdi oo si toos ah ugu hanjabay Shariif inay soo xiri doono

22

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Col. Macalin Mahdi Cumar oo shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay wax uu ugu yeeray fowdo galabta ay soo abaabuleen xubno uu sheegay inay yihiin siyaasiyiin hore, isagoo farriin adag u diray dadka qalqal-gelinaya amniga caasimadda Muqdisho sida uu yiri.

Macalin Mahdi ayaa u hanjabay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo xusay inaan loo dul qaadan doonin talaabo ay galabta qaadeen ciidanka mucaaradka.

“Kuwa Masuuliyiintii hore ah waxaan leenahay shalay maanta ahan hadaad barateen in hooyooyin iyo wiilal Soomaliyeed ay ka dhex dagaalantaan dadna ku dhintaan ma dhaceyso inaad nabad gashaan dambi ninkii soo abaabulayaa loo raacanayaa, waaran ayaan kuu dalbaneynaa dacwad ayaan kaa gudbinaynaa gacantaana kugu soo dhigeynaa” ayuu yiri macalin Mahdi.

Hadalka Macalin Mahdi ayaa yimid ka dib markii Gelinkii dambe ee maanta ayay shacab taageersan mucaaradka banaanbax ballaaran ku qabteen qeybo kamid ah jidadka magaalada Muqdisho. gaar ahaan laami yaraha Zoope.

Intii uu socday dibed baxaas ayaa ciidamada Booliska DF waxay isku dayeen iney kala eryaan dibed baxayaasha hase ahaatee ciidamo ka tirsan ilaalada Shiikh Shariif madaxweyihii hore ee Somalia ayaa ka hor tagay talaabadaas, waxaana labada dhinac dhexmaray tag tag ku sigtay inuu dhexmaro iska horimaad taasoo inkastoo cidanka Booliska ay markii dambe isaga tageen goobta.

Dadweyne fara badan oo kasoo qeyb galay banaanbaxaasi ayaa ku dhawaaqayay erayo ay si kulul ugu dhaliilayeen dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Dibadbaxayaasha ayaa muujinayay cabashooyin la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo sida dowladda u maareyneyso arrimaha dalka.

Goobihii uu banaanbaxu ka dhacay waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaq xooggan, iyadoo shacabka isugu soo baxay ay watayeen boorar iyo hal-ku-dhigyo ay ku cabbirayeen aragtidooda siyaasadeed. Qaar kamid ah dadka banaanbaxayay ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan wax ka qaban cabashooyinka jira, halka kuwa kalena ay dalbanayeen isbeddel siyaasadeed.

Macalin Mahdi taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay arrintaas isagoo xusay in Boolisku ay mar dambe u dul qaadan doonin mucaaradka ayna talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo amaanka waxyeeleysa.