Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa shaaciyey jadwalka guud ee doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo la guda galayo marxaladaha ugu dambeeya ee dhismaha hay’adaha maamulkaasi.
Sida ku cad jadwalka cusub ee la soo bandhigay, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa la qaban doonaa 2-da June 2026, halka doorashada Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed loo qorsheeyey inay dhacdo 10-ka June 2026.
Ku dhawaaqista jadwalkan ayaa timid kadib markii guddigu hore u shaaciyey liiska xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 92 mudane, halka saddex kursi oo haray lagu sheegay inay wali ku xiran yihiin ururrada siyaasadeed ee aan soo gudbin xubnihii loo asteeyey.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in mudnaanta la siinayo dhameystirka hay’adaha dastuuriga ah iyo qabashada doorashooyin loo marayo hannaan sharci ah oo waafaqsan xeerarka doorashada. Waxa uu guddigu ugu baaqay musharrixiinta, ururrada siyaasadda iyo bulshada inay ilaaliyaan xasilloonida iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.
Doorashooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dood la xiriirta hannaanka maamulka iyo doorashooyinka Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyo kala duwan ay aragtiyo ka qabaan sida loo maamulayo geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulkaasi.





















