Madaxweynaha UEFA oo dhawaaqay inuu Cumar Cartan dhex-dhexaadin doono Final-ka UEFA

31

Madaxweynaha Midowga Xiriirrada Kubadda Cagta Yurub (UEFA), Aleksander Ceferin, ayaa si weyn u ammaanay garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah Cumar Cabdikariin Cartan, kaas oo dhawaan laga soo celiyay Mareykanka kadib markii loo diiday inuu galo dalkaas si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Ceferin ayaa sheegay in Cumar Cartan uu yahay garsoore da’yar balse leh khibrad heer sare ah, islamarkaana isku caddeeyay tartamada ugu waaweyn ee ay maamusho Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF).

“Cumar Cartan waa garsoore aad u wanaagsan, inkastoo uu weli da’yar yahay haddana wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran, wuxuuna isku muujiyay heerarka ugu sarreeya ee tartamada CAF. Kubadda cagtu waxaa loo sameeyay inay dadka isu keento, UEFA-na waxay dooneysaa inay muujiso ixtiraamkeeda ku aaddan Cumar iyo xirfaddiisa garsoornimo ee heerka sare ah,” ayuu yiri Madaxweynaha UEFA, Aleksander Ceferin.

Cumar Cartan ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu soo dhaweeyay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, halkaas oo kumannaan taageerayaal ah ay isugu soo baxeen si ay u muujiyaan garab istaag iyo qaddarin ay u hayaan garsooraha sumcadda u soo hoyay dalka.

Soo dhaweynta diirran ee uu ka helay shacabka Soomaaliyeed ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha iyo dibadda, iyadoo loo arkay fariin muujinaysa sida Soomaalidu ugu faanto guulaha ay gaaraan muwaadiniintoodu.

UEFA ayaa sidoo kale shaacisay in Cumar Cartan loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiyo ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka UEFA, tallaabadaas oo loo arko aqoonsi kale oo muujinaya kalsoonida ay hay’addu ku qabto kartidiisa iyo heerka uu ka gaaray garsoornimada caalamiga ah.

Go’aanka UEFA ayaa yimid xilli taageero ballaaran oo caalami ah ay u muujiyeen mas’uuliyiin iyo taageerayaal kubadda cagta ah Cumar Cartan, kadib dhacdadii Mareykanka, taas oo dhalisay dood ku saabsan doorka kubadda cagtu ku leedahay mideynta dadka iyo ka fogaanshaha caqabadaha siyaasadeed.