Madaxweynaha Kenya oo si adag uga hadlay dib u celinta Garsoore Cumar Cartan.

34

 

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si adag u dhaliilay dowladda Mareykanka kadib markii Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdikariin Cartan, laga hor istaagay inuu gudaha u galo Mareykanka, arrintaas oo sababtay inuu seego ka qeybgalka Koobka Adduunka ee FIFA 2026.

Cumar Cartan, oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu Fiican Afrika sanadkii 2025, ayaa laga celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Miami, kadib markii saraakiisha Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ay sheegeen inay jiraan baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira hubinta amniga iyo xogtiisa.

Garsooraha Soomaaliyeed ayaa watay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, hase yeeshee waxaa dib loogu celiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madaxweyne William Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid aan caddaalad ahayn oo dhaawac ku ah sumcadda iyo dadaalka ay sameeyaan ciyaartooyda iyo garsoorayaasha Afrika ee ka qeyb gala tartamada caalamiga ah.

“Tallaabada lagu celiyay Garsoore Cumar Cartan waa qalad weyn oo laga galay Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, isagoo muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdadaasi.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan bahda isboortiga ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka, iyagoo ku baaqay in dib loo eego arrinta si Garsoore Cartan loogu oggolaado inuu ka qeyb galo tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood ballaaran oo ka taagan qaaradda Afrika, iyadoo taageerayaal badan iyo mas’uuliyiin isboorti ay walaac ka muujiyeen saameynta ay arrintani ku yeelan karto ka qeybgalka Afrika ee munaasabadaha caalamiga ah.