
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 5-ta July 2026 la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Xubnaha ururada siyaasadda ee qaybta ka noqday Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in ay u diyaargaroobaan Doorashadaas maadaama lagu mashquulayo Todobaadka Xorriyadda.





















