Siciicd Deni oo xoog kuqabsaday baabuurta dagaalka ee PSF+SAWIRRO

42

Waxaa isasoo taraya guulaha ciidamada maamulka Puntland ka sheeganayaan dagaalkii shalay ka bilowday Magaalo xeebeedka Boosaaso kaasoo ilaa xalay socday.

Warar ku dhaw dhaw daraawiishta Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada faderaalka taageersanaa ee PSF laga qabsaday gaadiid dagaal oo ah nuuca Cabdi-Bilaha Soomaalidu u taqaan kuwaasoo ay saaran yihiin qoryaha loo yaqaan Dhashiikayaasha islamarkaana tiradooda lagu sheegay ilaa 8 tikniko ah.

Baraha Bulshada waxaa saaka lagu faafiyay gaadiidka dagaalka ee laga qabsaday ciidamadii Faderaalka taageersanaa oo ciidamada Puntland u kaxeysyeen xeryahooda dhanka Boosaaso inkastoo dagaalka wali uusan si rasmi ah u soo afjarmin .

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa markii ay soo bandhigayeen tiknikada ay qabsadeen waxay warbaahinta u sheegeen in cid kasta oo ku biirta Federaalka inay dagaal ku qaadi doonaan sidaan oo kalana u soo bandhigi doonaan.