Xasan Sheekh, Xamza iyo Mahad Salaad oo ka shiraya go’aanka Maxkamadda Sare

11

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, halkaas oo uu ka bilowday kulan xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Galmudug.

 

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli Maxkamadda Sare ee dalka ay shalay laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee maamulka Galmudug.

Waxaa la filayaa in kulanka uu ku biiro Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyadoo ay sidoo kale suuragal tahay inay ka qeyb-galaan mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in doorashooyinkii Galmudug ee dhacay 30-kii Luulyo 2026 aysan waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, taasoo keentay in la laalo natiijooyinkii kasoo baxay.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay guddiga doorashada inuu dib ugu laabto hannaanka doorashooyinka isku sidkan ee Galmudug, isla markaana uu doorashooyinka ku qabto waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa Galmudug ka abuuray xaalad siyaasadeed oo cusub, waxaana Dowladda Federaalka laga filayaa inay qiimeyso tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo, gaar ahaan sidii loo maareyn lahaa hannaanka doorashooyinka maamulka.

Kulanka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli dowladda ay wajaheyso caqabado siyaasadeed iyo amni, iyadoo socdaan dadaallo lagu xoojinayo xasilloonida dalka iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda.

Si kastaba, Madaxda dowladda ayaa la filayaa inay si gaar ah uga arrinsadaan saameynta go’aanka Maxkamadda Sare iyo waxa laga yeelayo doorashooyinka maamulka Galmudug, oo qabsoomida dadaal badan gelisay dowladda dhexe.