Wariye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka.

19

Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaanay Boqorka Bartamaha ayaa lagu dilay dalka Jarmarka oo waqtiyadaan danbe uu ku noolaa kadib markii Nin Soomaali ah uu Toorey ku dhuftay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii hore Wariyaha dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka balse uu halkaasi ku geeriyooday Allaha u naxariistee.
Ninka Soomaaliga ah ee Tooreyda ku dhuftay ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay muran iyo is faham daro sidaas ay ku xanbaartay inuu toorey ku dhufto taasoo sabab looga dhigay geeridiisa.

Allaha u naxariistee Wariye Boqorka Bartamaha oo tooreyda lagula dhuftay Magaalada Darmstadt ee Dalka Jarmalka ayaa dalkaasi tagay sanadkii 2017-kii ilaa iminkana wuu ku noolaa balse ugu danbeyn xalay ayuu u geeriyooday dhaawicii Tooreyda.