
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-dhiska iyo abaabulka Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), kaddib markii Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliyaha Qaybta.
Qaybta 26-aad ayaa noqonaysa qaybtii ugu horreysay ee Ciidanka Xoogga Dalka ee si rasmi ah uga hawlgasha deegaannada waqooyiga ka xiga Gaalkacyo tan iyo xilligii dowladdii Kacaanka. Saldhigga qaybta ayaa laga dhigay Waqooyi Bari.
Ka hor magacaabista Taliye Cawad, Taliska CXDS ayaa bishii Sebtembar fasaxay mushaharka 2,500 askari oo loogu talagalay inay ka hawlgalaan Qaybta 26-aad.
Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad ayaa horey u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha da’da yar ee tababarrada ciidan ku soo qaatay dalka Eritrea.
Dowladda Federaalka ayaa dib u abaabushay Qaybta 26-aad iyadoo ciidanka loo xilsaaray inay ka hawlgalaan deegaanno ka tirsan waqooyiga dalka, oo ay ku jiraan dhulka xeebaha Sanaag..




















