
Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa Sabtida isaga baxayay magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray, xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay kusoo siqayaan magaalada, isla markaana ay dib ula wareegeen garoonkeeda diyaaradaha.
Wariye maxalli ah iyo dad deggan Mekelle ayaa wakaaladda AFP u sheegay in xubnaha Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay bilaabeen inay magaalada ka baxaan, iyadoo xarumo dowladeed iyo saldhigyo boolis laga waayay ciidamadii ammaanka.
“Dagaalyahannada iyo hoggaamiyeyaasha TPLF way ka baxayaan Mekelle,” ayuu yiri wariyaha, isaga oo sheegay in ciidamada federaalka aan weli lagu arag gudaha magaalada.
Dhanka kale, Reuters ayaa Sabtida werisay in ciidamada federaalka Itoobiya ay dib ula wareegeen garoonka Alula Aba Nega ee Mekelle, sida ay sheegeen saddex ilo xog-ogaal ah. Garoonka ayaa ka mid ahaa goobo muhiim ah oo TPLF ay qabsatay markii dagaalka cusub uu qarxay 23-kii September.
Qabsashada garoonka iyo ka bixitaanka xubnaha TPLF ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka, kadib markii xoogagga Tigray ay maalmo ka hor horumar ka sameeyeen gobollada deriska la ah Tigray.
Dagaalka ayaa 23-kii September ka qarxay waqooyiga Itoobiya, markii TPLF iyo xoogag ay xulafo yihiin ay weerarro ka bilaabeen qeybo ka mid ah Afar iyo Amhara, taas oo dhalisay cabsi laga qabo inuu dib u qarxo dagaal ballaaran oo la mid ah kii 2020-2022.
Laakiin ciidamada federaalka iyo maleeshiyaadka taageersan dowladda ayaa maalmihii dambe qaaday weerar rogaalcelis ah, iyagoo dib u riixay xoogagga TPLF, kadibna dhowr jiho uga soo dhaqaaqay dhinaca Mekelle.



















