
Colonel Maxamed Cabdullaahi “Shariif” ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegaya Brigadier General Cabdiwahaab Cumar.
Shariif ayaa leh khibrad waxbarasho iyo mid ciidan oo la xiriirta hawlaha badda iyo hoggaaminta ciidamada. Waxa uu dugsiga sare ku qaatay magaalada Cadan ee Yemen, halkaas oo uu ka baxay Khalid Bin Walid Secondary School sannadihii 2013–2014, ka hor inta uusan shahaadada koowaad ee Languages and Literature ka qaadan Jaamacadda Cadan sannadihii 2017–2018.
Dhinaca milatariga, waxa uu tababar takhasus ah ku soo qaatay Ras Hamas Naval Academy ee Eritrea, halkaas oo uu ku bartay hawlgallada badda, hagidda iyo maaraynta maraakiibta, navigation-ka, akhrinta khariidadaha iyo adeegsiga nidaamyada GPS.
Tababarkiisa ayaa sidoo kale ku jiray isgaarsiinta milatariga, hoggaaminta iyo maamulka ciidamada, tababarka ciidamada gaarka ah iyo aqoonta aasaasiga ah ee hubka.
Shariif wuxuu ku hadlaa Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Tigrinya. Khibraddiisa iyo tababarradiisa ayaa qeyb ka ah aqoonta uu la imaanayo xilka cusub, xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo ciidamada badda iyo ilaalinta biyaha dhuleed iyo xeebaha dalka.




















