
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in Airborada Hargeysa iyo Berbera laga aqbalo tigidhada diyaaradaha ee lagu bixiyo nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya, tallaabadan oo saamayn ku yeelan karta shirkadaha diyaaradaha, wakaaladaha socdaalka iyo rakaabka isticmaala nidaamkaas.
Amar ka soo baxay wasaaradda oo tirsigiisu yahay MCA&AD/OM/D/02/2026 ayaa dhigaya in aan la aqbali doonin tigidhada cusub iyo kuwii hore loo bixiyey ee lagu maray nidaamka BSP-ga Soomaaliya, oo ay ku jiraan tigidhada safarka soo-noqoshada ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tigidhada lagaga dhoofayo madaarrada Somaliland lagu iibiyo oo keliya kanaallada ay oggolaatay, kuwaas oo ay ka mid yihiin mareegaha rasmiga ah ee shirkadaha diyaaradaha, xafiisyadooda iibka iyo wakaaladaha socdaalka ee ruqsadda ka haysta Somaliland.
Qoraalka wasaaradda ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargelinaya inay dib u eegaan wakaaladaha socdaalka ay heshiisyada la leeyihiin, gaar ahaan kuwa aan buuxin shuruudaha ruqsadaynta iyo oggolaanshaha Somaliland.
Wakaaladaha aan weli dhammaystirin shuruudaha looga baahan yahay ayaa loo qabtay 31-ka Oktoobar 2026 inay saxaan xaaladdooda, iyadoo shirkadaha diyaaradaha lagu wargelin doono wakaaladaha aan buuxin shuruudahaas.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2026, shirkadaha diyaaradaha ay heshiisyada iibinta iyo qaybinta tigidhada la sii wadan karaan oo keliya wakaaladaha buuxiya shuruudaha ruqsadaynta iyo oggolaanshaha Somaliland.





















