Jeneraal Yohannes oo isu dhiibay ciidanka Abiy Ahmed.

18

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa si adag u cambaareysay mid ka mid ah saraakiisheeda ugu sarreeya ee militariga, Sarreeye Guuto Yohannes W/George, kaddib markii uu Axaddii isu dhiibay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya.

TPLF ayaa taliyahan ku eedeysay inuu galay fal ay ku tilmaantay “khiyaano qaran”, iyadoo sheegtay inuu xiriir la sameystay dhinaca ay u aragto cadowgeeda, kaddib dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Tigray.

Jeneraal Yohannes, oo sidoo kale loo yaqaan John Medid, ayaa ka tirsanaa taliska dhexe ee TPLF, wuxuuna ahaa taliyaha ciidamada ee aagga koonfurta gobolka Tigray. Is-dhiibistiisa ayaa imaaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo iska horimaadyada ka dhex jira dhinacyada isku haya awoodda iyo gacan ku haynta deegaannada gobolkaas.

Sida ay ilo wareedyo sheegeen Jeneraal Yohannes, ilaaladiisa gaarka ah iyo toddoba taliye oo kale oo darajadoodu tahay gaashaanle sare ayaa lagu hareereeyay deegaanka Qushee Simret, oo ka tirsan degmada Rama ee bartamaha gobolka Tigray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogag deegaanka ah oo xulafadooda ah ay ku hareereeyeen goobta ay ku sugnaayeen saraakiishaasi, taasoo ugu dambeyn keentay inay isu dhiibaan ciidamada dowladda.

Dhanka kale, dowladda federaalka Itoobiya weli si rasmi ah ugama hadlin warka ku saabsan is-dhiibista Jeneraal Yohannes iyo saraakiisha la socotay, mana jirto war-saxaafadeed ay ku xaqiijisay faahfaahinta dhacdadaasi.