Xisbiga Jamhuuriga ee Trump oo dhabar-jab wayn kala kulmay doorashada Mareykanka.

16

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku guuleystay doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, isagoo la wareegay aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka, Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka, taasoo wax ka beddeleysa awood-qaybsiga siyaasadeed ee Washington, isla markaana caqabad ku noqon karta qorshayaasha Madaxweyne Donald Trump.

Natiijada doorashada 3-dii November ayaa muujisay in Dimuqraadiyiintu ay kuraas muhiim ah kala wareegeen Jamhuuriyiinta, kuwaas oo labada aqal gacanta ku hayay tan iyo doorashadii 2024. Dimuqraadiyiintu waxay hadda awood u yeelanayaan inay hor istaagaan sharciyada maamulka Trump, baaritaanno ku sameeyaan dowladda, isla markaana saameyn ku yeeshaan ansixinta magacaabista xilalka muhiimka ah.

Arrimaha dhaqaalaha, sicir-bararka, qiimaha nolosha iyo dagaalka Iiraan ayaa ka mid ahaa mowduucyada saameeyay doorashada. Guuldarrada Jamhuuriyiinta ayaa sidoo kale muujisay in taageerada Trump aysan dhammaan musharraxiinta uu garab istaagay u horseedin guul.

Doorashadan waxaa sidoo kale guulo ka gaaray siyaasiyiin Soomaali iyo Muslimiin ah oo ka qeybgalay tartamada heer federaal iyo heer gobol.

Ilhaan Cumar ayaa mar kale ku guuleysatay kursiga Aqalka Wakiillada ee degmada 5-aad ee gobolka Minnesota, iyadoo xaqiijisay muddo-xileedkeedii shanaad. Guusheeda ayaa timid iyadoo ay muddooyinkii dambe wajahaysey dhaleeceyn iyo weerarro siyaasadeed oo kaga imaanayay Madaxweyne Trump iyo xulafadiisa.

Dhanka kale, Peggy Flanagan ayaa ku guuleysatay kursiga Senate-ka Mareykanka ee gobolka Minnesota, halka Amy Klobuchar ay ku guuleysatay doorashada guddoomiyaha gobolka, iyadoo ka adkaatay musharraxa Jamhuuriga Lisa Demuth.

Guulahaasi waxay yimaadeen iyadoo Minnesota ay noqotay meel si weyn loogu loollamay doorashada, gaar ahaan doodaha la xiriira socdaalka, dhaqaalaha iyo bulshada Soomaalida ee gobolka.

Dhanka gobolka Michigan, musharraxa Dimuqraadiga Abdul El-Sayed ayaa ka adkaaday musharraxa Jamhuuriga Mike Rogers, isagoo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Senate-ka Mareykanka.

El-Sayed, oo hore uga soo shaqeeyay waaxda caafimaadka gobolka Michigan, ayaa ololihiisa ku dhisay ballanqaadyo la xiriira daryeelka caafimaadka, yaraynta saameynta lacagaha waaweyn ee doorashooyinka iyo dhaleeceynta siyaasadda Mareykanka ee Israa’iil.

Ololihiisa ayaa sidoo kale wajahday kharash badan oo ay kooxaha dibadda ku bixiyeen doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo AIPAC, oo ah urur u ololeeya taageerada Israa’iil, ay ku bixisay malaayiin doollar olole ka dhan ah xilligii tartanka hordhaca ah.

La wareegidda labada aqal ee Congress-ka waxay Trump ku qasbeysaa inuu inta ka dhiman muddo-xileedkiisa la shaqeeyo baarlamaan ay aqlabiyaddiisu ka soo horjeeddo xisbigiisa. Dimuqraadiyiintu waxay awood u yeelanayaan inay dib u eegaan siyaasadaha maamulka, hor istaagaan sharciyada qaarkood, isla markaana sameeyaan baaritaanno la xiriira go’aannada dowladda.