
Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta taariikh cusub dhigay, kaddib markii uu si nabad ah oo habsami leh xilka Madaxweynaha ugu wareejiyay Liibaan Axmed Xasan, oo dhawaan loo doortay hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug.
Qoor-Qoor oo ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb, ayaa si rasmi ah u wareejiyay xafiisyadii, xarumihii iyo faylalkii shaqada ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Sidoo kale, khudbaddiisa ayuu ku sheegay inuu wareejiyay Galmudug mideysan oo uusan ka jirin wax khilaaf ah, taas oo si gaar ah isaga loo xasuusan doono.
“Waxaan kuugu wareejiyay Galmudug oo siyaasad ahaan u mideysan oo aysan jirin maanta meel tabasho siyaasadeed laga qabo, waxaan kuugu wareejiyay Galmudug oo bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan u mideysan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug.
Axmed Qoor-Qoor ayaa sidoo kale hoggaanka cusub warbixin ka siiyay mashaariicdii la hirgeliyay iyo kuwii weli socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb iyo waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi.
Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray shacabka Galmudug, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan madaxda la doortay, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loona sii ambaqaado horumarka iyo dowlad-dhiska maamulka Galmudug.




















