9 xubnood oo ka tirsan wafdiga Soomaalida ayaa la waayay intii ay ku guda jireen booqasho ay ku tageen Kosovo.

29

 

 

Dowladda Kosovo ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsatay inay ka caawiso ogaanshaha halka ay ku sugan yihiin sagaal xubnood oo ka tirsanaa wafdi Soomaali ah, kuwaas oo la sheegay inay si lama filaan ah uga baxeen hoygoodii magaalada Prishtina, iyaga oo aan ogeysiin mas’uuliyiinta dalkaas.

 

Warqad diblomaasiyadeed oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Kosovo ay u dirtay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadkaasi fiidkii 27-kii October, abbaaro 7:10 fiidnimo ay ka baxeen hoyga Dua Village, iyadoo aan lagu wargelin hay’adihii ku shaqada lahaa habraaca booqashadooda.

Maqnaanshahooda ayaa la ogaaday maalintii xigtay, xilli mas’uuliyiinta Kosovo ay diyaarinayeen gaadiidkii u qaadi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Prishtina, halkaas oo loogu talagalay inay ka raacaan duulimaadkii ay dalka kaga bixi lahaayeen.

Baaritaanno hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujiyay inay iskood uga tageen hoygoodii, waxaana suuragal ah inay u safreen goob kale oo gudaha Kosovo ah. Hase yeeshee, ma aysan gaarin qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha oo loogu diyaariyay bixitaankooda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kosovo ayaa sheegtay in isku-dayo kala duwan oo ay ku doonaysay inay xog uga hesho mas’uuliyiinta sare ee wafdiga Soomaalida aysan wax natiijo ah ka soo bixin, iyadoo ilaa xilliga warqadda la diyaarinayay aan la hayn xog rasmi ah oo ku saabsan halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin.

Wafdiga Soomaaliya ayaa Kosovo gaaray 25-kii October, waxaana garoonka diyaaradaha Prishtina ay ka degeen abbaaro 7:45 fiidnimo, iyadoo wafdiga ay hoggaaminayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Siciid Maxamed Maxamuud iyo Wasiir-ku-xigeenka Dekedaha, Fartuun Cabdulqaadir Faarax.

Labada mas’uul ee hoggaaminayay wafdiga ayaa Kosovo ka baxay 28-kii October, iyadoo Siciid Maxamed uu baxay saacadihii hore ee maalintaas, halka Fartuun Cabdulqaadir ay dalka ka ambabaxday fiidnimadii isla maalintaas.

Balse, weli lama hayo xog rasmi ah oo xaqiijinaysa xaaladda sharci ee sagaalka qof, halka ay ku sugan yihiin ama inay gebi ahaanba ka baxeen dhulka Kosovo, iyadoo dowladdu walaac ka muujisay badqabka iyo xaaladda nololeed ee dadkaas.

Dowladda Kosovo ayaa hay’adaha ku shaqada leh ee Soomaaliya ugu baaqday inay arrintan mudnaan gaar ah siiyaan, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ogaanshaha halka ay sagaalka qof ku sugan yihiin iyo xaqiijinta ammaankooda.