Abuu Lulu oo xabsi la dhigay +SAWIRRO

85

Kooxda gurmadka deg degga RSF ee dalka Sudan, ayaa shaacisay in xabsiga la dhigay nin arxandaran oo maalmahan qabsaday baraha bulshada, kaa oo muuqaallo iska soo duubayay isaga oo dad shacab ah dilaya.

Saraakiil katirsan RSF, ayaa soo bandhigtay iyagoo xabsiga dhigaya Faatix Cabdalle Idris (Abu Lulu) oo ka mid ah saraakiishooda , kaasoo horey uga soo muuqday isagoo dil u geysanaya kumannaan rayid ah, iyadoo wargeyska New York Times uu baahiyay Abu Lulu inuu ka dambeeyo dilka saddex kun oo rayid ah 48 saac gudahood ah oo ka dhacay Al-Faashir.

Xariggan waa wax ay RSF iskudayayso inay isku muujiso kuwa xakameyn kara dagaalyahannadooda, laakin ficillada dagaalyahannada ayaa argagax ka dhaliyo dunidda, kuwaasoo iyagu baahinaya dilalka arxan darrada ah ee ay geysanayaan. Waxayna hadda keydiiyeen wax ku filan in lagu ciqaabo.

Kooxdan dagaalka kula jirta milatariga Sudan , ayaa cambaareyn xooggan la kulantay kaddib xasuuq kumanaan shacab ah ugu geesteen magaalada Al Fesher, xasuuqa kooxda ayaana muuqaallada la arkay ahaayeen kuwa iyaga iska duubeen sidoo kale baahiyeen.