
Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixisay qaraar lagu taageerayo isticmaalka khariidad si ka sax ah u muujinaysa baaxadda dhabta ah ee qaaradaha, gaar ahaan Afrika, iyadoo laga guurayo ku-tiirsanaanta khariidadda caanka ah ee Mercator.

Hindisahan waxaa hoggaaminayay dowladda Togo, iyadoo qeyb ka ah dadaal ay Midowga Afrika ku doonayaan in lagu yareeyo isticmaalka khariidadda Mercator, oo la sameeyay qarnigii 16-aad, taas oo si weyn u weyneysa dhulalka ku dhow cirifyada adduunka.
Khariidadda Mercator waxay tusaale ahaan Greenland ka dhigtaa mid u muuqata in ay ku dhowdahay baaxadda Afrika, inkastoo Afrika ay dhab ahaan qiyaastii 14 jeer ka weyn tahay Greenland.
Qaraarka cusub wuxuu dhiirrigelinayaa isticmaalka Equal Earth projection, oo ah hab khariidadeyn ah oo si dhow u muujinaya cabbirka dhabta ah ee qaaradaha.
“Adduun caddaalad ah wuxuu ka bilaabmaa khariidad caddaalad ah,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Togo, Robert Dussey, ka hor codeynta.
Qaraarku ma laha awood sharci oo khasab ah, waxaana si cad loo sheegay inuusan waxba ka beddelayn isticmaalka khariidadda Mercator ee hagista maraakiibta iyo diyaaradaha, halkaas oo ay weli si buuxda ugu habboon tahay.
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaraarka ku ansixiyay 164 cod, halka hal dal oo keliya uu kasoo horjeestay, lix dalna ay ka aamuseen.
Maraykanka, oo ahaa dalka kaliya ee diiday, ayaa sheegay in qaraarku xambaarsan yahay “ajande fikradeed” isla markaana uu mashquulinayo bulshada caalamka, halkii diiradda la saari lahaa dhibaatooyinka dhabta ah ee nabadda, barwaaqada iyo xiriirka caalamiga ah.


















