Agaasimaha guud ee BBC-da,iyo madaxa wararka,ayaa xilalkii iska casilay.

45

Agaasimaha guud ee BBC-da, Tim Davie, iyo madaxa wararka, Deborah Turness, ayaa xilalkii iska casilay.

BBC-da ayaa dhalleeceyn xooggan loo soo jeediyay kaddib markii barnaamijka Panorama lagu eedeeyey in si khaldan loo habeeyay khudbad uu jeediyey Donald Trump si loogu ekaysiiyo in uu dadku ku boorinayay weerar ka dhan ah Aqalka Capitol-ka ee Maraykanka.

Labada mas’uul oo shaqaalaha farriimmo ugu diray dhinaca email-ka ayaa sheegay in khaladaad la galay.

Waa kuwama Tim Davie iyo Deborah Turness?
Tim Davie waxaa loo magacaabay agaasimaha guud ee BBC-da bishii Sebtembar 2020-kii. Wuxuu mas’uul ka ahaa kormeerka adeegyada hay’adda wuxuuna ahaa madaxa tafatirka, hawlgalka iyo hal-abuurka ee BBC-da.

Wuxuu hore uga tirsanaa BBC – ka hor intaanu noqon agaasimaha guud, wuxuu toddobo sano ka soo shaqeynayay BBC Studios isagoo ahaa madaxa fulinta.

Ka hor intii aanu ku biirin BBC, Davie wuxuu ka shaqeeyay hay’ado ay ka mid yihiin Procter & Gamble iyo PepsiCo.

Deborah Turness waxay ahayd madaxa fulinta ee BBC News tan iyo 2022-kii, iyada oo kormeeraysay barnaamijyada wararka iyo xaaladaha taagan ee BBC-da.

Waxay mas’uul ka ahayd koox ka kooban qiyaastii 6,000 oo qof, iyadoo warbaahinta u gudbineysa ku dhawaad kala badh hal bilyan oo qof oo adduunka oo dhan ku nool, in ka badan 40 luqadood.

Hore waxay u ahayd madaxa fulinta ee ITN waxayna ahayd ku-xigeenka NBC News tan iyo 2013-kii.

Maxay isku casileen?
Iscasilaadooda ayaa timid kaddib muran ka dhashay barnaamijka Panorama ee la yiraahdo Trump: Fursadda Labaad?, kaas oo la baahiyey toddobaad ka hor doorashadii madaxtinimada Maraykanka.

War-saxaafadeedkeeda, Turness waxay ku tidhi:

“Muranka weli taagan ee ku saabsan Panorama ee Madaxweyne Trump wuxuu gaadhay heer uu dhaawaco BBC-da – hay’ad aan jeclahay.

“Anigoo ah madaxa fulinta ee BBC News iyo xaaladaha taagan, masuuliyadda ugu dambaysa aniga ayaa qaadanaya– waxaanan go’aansaday in aan casilo xilkeyga habeenkii xalay.”

Waxay intaas ku dartay: “Inkastoo khaladaad la galay, waxaan rabaa in aan si cad u sheego in eedeymaha dhawaan la soo jeediyey ee ah in BBC News ay eex samayso ay khalad yihiin.”

Davie kuma sheegin barnaamijka Panorama war-saxaafadeedkiisa, laakiin wuxuu yidhi: “Inkastoo aanay ahayn sababta kaliya, doodda hadda ka taagan BBC News, si la fahmi karo ayay qayb uga tahay go’aankayga.

“Guud ahaan BBC-da si wanaagsan ayay u shaqeynaysaa, laakiin khaladaad ayaa dhacay, anigoo ah agaasimaha guudna waa in aan qaataa masuuliyadda ugu dambaysa.”

Maxay yihiin eedeymaha ku saabsan Barnaamijka Trump?
Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa Telegraph waxay daabacday warbixin gaar ah oo ay ku sheegtay in ay aragtay farriimo gudaha ah oo qarsoodi ahaa oo ka yimid BBC-da.

Farriintaas waxaa qoray Michael Prescott, oo ahaa lataliye madaxbannaan oo dibadda uga shaqeyn jiray guddiga tafatirka ee warbaahinta. Wuxuu xilka ka tagay bishii Juun.

Memo-ga ayaa soo jeediyey in barnaamijka Panorama ee saacadda ah uu qayb ka mid ah khudbaddii Trump isku xidhay si uu ugu ekaado in uu si cad u dhiirrigelinayo kacdoonkii Capitol Hill ee January 2021-kii.

Khudbaddiisa Washington DC 6 January 2021-kii, Trump wuxuu ku yidhi: “Waxaan u soconnaa Aqalka Capitol, waxaana dhiirrigelin doonnaa senator-deenna iyo xubnaha Kongreska ee geesiyaasha ah.”

Laakiin, barnaamika Panorama ee la habeeyay waxa uu hadalka Trump u dhignaa sidan: “Waxaan u soconnaa Aqalka Capitol… aniguna waan idinla joogi doonaa. Waan dagaallamaynaa. Waxaan u dagaallami doonnaa sidii naarta.”

Labada qaybood ee khudbadda la isku nabay waxay ahaayeen kuwo kala fog waxaana u dhaxaysay in ka badan 50 daqiiqo.

Hadalka ah “dagaal sidii naarta” waxaa laga soo qaatay qayb uu Trump kaga hadlayay sida ay doorashooyinka Maraykanku u ahaayeen “musuqmaasuq ah.” Guud ahaan, wuxuu khudbaddiisa erayada “dagaal” ama “la dagaallan” isticmaalay ilaa 20 jeer .

Sida ay Telegraph sheegtay, dukumintiga aya lagu yidhi “barnaamijka Panorama ee dhacdooyinkii maalintaasi” waxa ay ka sababi doonaan in daawadayaashu isweyddiiyaan: “Sidee BBC lagu kalsoonaan karaa, arrintu se halkee ayay ku dambayn doontaa?”

Farriintu waxay intaas ku dartay in markii arrintan lala soo qaaday maamulayaasha, in ay “diideen in ay aqbalaan in sheekadu ilaa heerkaas ay gaadhsiisan tahay.”

BBC ayaa dhowrkii toddobaad ee u dambeeyey wadday baadhitaan ku saabsan arrimo kale oo kala duwan.

Telegraph sidoo kale waxay sheegtay in Mr. Prescott uu walaac ka muujiyey sida loo xalliyo “dhibaatooyinka nidaamsan” oo ku saabsan oo uu sheegay in lagaga eexanayo Israa’iil oo ku aaddan warbixinnada dagaalka Qasa, kuwaas oo ay tebiso qaybta Carabiga ee BBC-da.

Warbixintu waxa kala oo ay sheegtay in Mr. Prescott uu ka walaacsanaa sida BBC uga warbixiso arrimaha ku saabsan dadka isku jinsiga ah.

Khamiistii, BBC-du waxay garowsatay 20 cabasho oo ku saabsan dhexdhexaadnimada kaddib markii barnaamij soo jeediyaha Martine Croxall ay sannadkii hore wax ka bedeshay qoraal ay si toos ah uga akhrinaysay kanaalka wararaka ee BBC-da oo ka hadlay “dad uur leh”.

Muxuu Davie isku casilay?
Tim Davie ayaa wajahay dhowr eedaymood iyo dhibaatooyin shantii sano ee BBC-da talinayay– waxa ku jiray murankii Gary Lineker, Bob Vylan , dokumenteriga Qasa ee ciwaankiisu ahaa: Sidee ugu badbaadaan goobta dagaalka, iyo khaladaadka ay sameeyeen dhowr soo-jeediyeyaal caan ah.

Wuxuu isku dayay inuu ka gudbo murankii ugu dambeeyay, laakiin wuxuu noqday mid sii xoogeysanaya, waxaana la filayay in BBC-du ay raali gelin ka bixiso barnaamijka Panorama maalinta berri.

Arrintan waxay ku soo beegmaysaa waqti xasaasi ah oo ay BBC-du ku jirto, maaddaama dawladdu qorsheyneyso in ay dib u eegto Charter-ka Boqortooyada ee hay’adda– kaas oo siinaya xuquuqda jiritaanka – ka hor inta aanu dhammaanin kan hadda socda oo ku eg 2027-ka.

War-saxaafadeedkiisa ayaa Davie wuxuu yidhi: “Waxaad isweyddiin doontaan maxaa hadda keenay?”

Wuxuu sheegay in uu si qoto dheer u daneeyo hay’adda oo uu doonayo in ay guulayato. Wuxuu intaas ku daray: “Waqtigani wuxuu u oggolaanayaa agaasime cusub in uu ka qayb qaato qaato Charter-ka soo socda. Waxaan aaminsanahay in aan marayno meel xooggan oo korriimo aan samayno.”

Sidee BBC-du u xulan doontaa beddelka Davie?
Agaasimaha guud waxaa magacaaba Guddiga BBC-da oo mas’uul ka ah hubinta in hay’addu fuliso himiladeeda iyo ujeeddooyinka dadweynaha.

Guddiga BBC waxaa hogaamiya guddoomiye Samir Shah oo ka mid 10 xubnood oo aan fulin ahayn iyo afar xubnood oo fulin ah oo uu ku jiro agaasimaha guud.

Markii Davie la magacaabay 2020-kii habka lagu dooranayo qofka xilka qabanaya waxaa hoggaaminayay guddiga magacaabista ee BBC-da.

Magacaabista agaasimaha guud waxaa lagu sameeyaa shuruudaha Charter-ka ama axd-qarameedka BBC-da.

Qofka beddelaya Davie wuxuu noqon doonaa agaasimaha guud ee 18-aad ee taariikhda 103 sano jirka ah ee BBC.

Ddka loobadninayo in ay u tartami karaan xilka waxaa ka mid ah Charlotte Moore, oo ka mid ahayd madaxda BBC-da taasi oo mas’uul ka ahayd barnaamij kasta marka laga reebo wararka, isla markaana kormeeri jiray barnaamijyada kale ee ay ka mid yihiin The Traitors, The Wheel, iyo Happy Valley.

Magacyada kale ee la hadal hayo waxaa ka mid ah Jay Hunt, oo ah mid ka mid ah maamulayaasha ugu khibradda badan telefishannada Ingiriiska, iyo James Harding, oo ahaa madaxa wararka BBC-da intii u dhaxaysay 2013-kii ilaa 2018-kii.

Xigsho
BBC Somali