Agaasimihii sbitaalka Banaadir oo xilkii laga qaaday

70

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta u magacaabay Abdirisaaq Sharif Ali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, kaddib markii ay dhacday dhacdo naxdin leh oo saameyn ku yeelatay kalsoonida shacabka ee isbitaalkaas.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo Wasiirku uu garwaaqsaday muhiimadda ay leedahay in la sameeyo isbeddel degdeg ah oo dhanka maamulka ah, si loo xoojiyo tayada adeegyada caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Wasiir Dr. Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore muddadii ay xilka haysay iyo dadaalkii ay ku bixisay howlaha maamulka, isaga oo xusay in isbeddellada socda ay qayb ka yihiin qorshaha ballaaran ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa shaacisay in isbedel maamul lagu samayn doono qaybo kale oo isbitaalka ka mid ah, halka shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday laga joojin doono shaqada, si baaritaan madax-bannaan loo sameeyo ayaa lagu yiri warka Wasaaradda kasoo baxay.

Wasiirka ayaa faray Agaasimaha cusub inuu xilka u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo degdeg ah, tayo leh, islamarkaana bani’aadannimo ku dhisan.