Akhriso Sida ay beelaha u kala qeybsadeen ergada dhisaysa maamulka SSC

35

Shirweynah dhameystirka Dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo oo maalmihii dambe ka socday magaalada Laascaanood ayaa meel wanaagsan marayay, ayada oo maanta beelaha loo qeybiyay ergooyinka dhisaya maamulka.

Ergadan oo tiradoodu dhan tahay 310 ergey ayaa waxaa inta badan loo kala qeybiyay Khaatumo iyo Maakhir, iyadoo 12% la siiyay dadka kale.

Is-fahamka la gaaray ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xulista saldhig looga dhigo degmooyin, iyadoo sidaas lagu qeybsaday ergooyinka dhisaysa maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Khaatumo ayaa heshay 138 ergay oo boqoleyda noqoneysa 44.2%, halka Maakhir ay heshay 135 ergay oo noqoneysa 43.4%.

Hoos ka aqriso sida ay beelaha u kala heleen ergooyinka:

1. Dhulbahante – 138
2. Warsangeli – 135
3. Fiqishini – 19
4. Suwaagroon – 4
5. Axmed Harti – 2
6. Kaskiqabe – 2
7. Dir – 1
8. Madhibaan – 2
9. Geri – 3
10. Ugaaslabe – 4

Sidoo kale waxaa xogaha soo baxaya sheegayaan in maamulka cusub noqonayo; Laascaanood, Ceerigaabo, Buuhoodle, Badhan, Dhahar, Xuddun, Laas-qoray iyo Taleex.

Shirka dhismaha maamulkan ayaa waxaa door weyn ka qaadaneysa Dowladda Federaalka oo horay aqoonsi buuxda u siisay SSC-Khaatumo, waxaase kasoo horjeeda Somaliland iyo Puntland.

Somaliland ayaa si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa dowladda dhexe ka wado Sool iyo Sanaag, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in si dhow loola socda waxa socda oo ay ku tilmaanatay “colaad hurin”.
Si kastaba, SSC-Khaatumo oo hadda u furmay dhabo cusub ayaa isku diyaarineyso maamul dhameystiran, iyada oo taageero ballaaran ka helaysa dowladda federaalka, oo u aragta mid xoojineysa midnimada dalka.