
Maamulka Puntland ayaa si weyn uga carooday tallaabadii maanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celisay diyaarad siday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan-doorashadoodu tahay Puntland.
Puntland ayaa deegaannadeeda ka mamnuucday diyaaradda Daallo oo maanta siday xildhibaannada ka baxay magaalada Muqdisho, balse amar ka soo baxay Dowladda Federaalka ayaa dib looga soo celiyay Garoowe.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Puntland ayaa sheegtay in go’aankan uu isla maanta oo taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 uu dhaqan-galayo.
Wasaaradda ayaa diyaaradda Daallo Airlines ku eedeysay in muddo laba jeer ah ay khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland.
“Waxaa lagu wargelinayaa Shirkadda Diyaaradaha Daallo in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 lagala noqday ruqsaddii duulimaadyada Diyaaradaha Daallo ee dhammaan garoomada diyaaradaha Puntland, maadaama ay muddo laba jeer ah khatar gelisay nolosha mas’uuliyiin iyo muwaadiniin reer Puntland,” ayaa lagu yiri amarka ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdullaahi Bile Nuur ayaa sidoo kale faray dhammaan maareeyeyaasha garoomada diyaaradaha Puntland inay si degdeg ah u fuliyaan wareegtadan.
Xildhibaannada laga celiyay magaalada Garoowe ayaa wada-tashi ugu yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib ugu laabtay Puntland, kadib markii ay burbureen wada-hadalladii uu Dowladda Federaalka kula qaatay magaalada Muqdisho.
Si kastaba, xildhibaannadan ayaa markii hore ka baxay magaalada Muqdisho, hase yeeshee daqiiqado yar kadib ayaa diyaaraddii sidday dib loogu soo celiyay garoonka Aadan Cadde. Mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan.





















