Aqriso 14ka qodob ee ay ku heshiiyeen Maraykanka iyo Iiraan

11

.

Heshiis ay Maraykanka iyo Iiraan ku gaareen xabbad joojinta ayaa la kala saxiixday kaasoo sida ugu dhakhsiyaha badan hadda u dhaqan galaya, sida uu BBC-da u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska, isagoo ka qeyb galaya shirka G7 ee ka dhacaya Evian-les-Bains ee dalka Faransiiska, waxaana lagu wadaa in dib loogu furo marinka Hormuz.

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob oo loo yaqaano is-afgarad, ayaa sheegaya in Iiraan aysan waligeed yeelan doonin hubka Nukliyeerka, sidoo kale waxaa lagu bixinayaa dhaqaale dhan 300 bilyan oo dollar “dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha” ee dalka inkastoo Mareykanka aan looga baahneyn inuu wax ku biiriyo. Waxay ku soo beegantay afar bilood ka dib markii uu qarxay khilaafka u dhexeeya Iiraan, Maraykanka iyo Israa’iil.

Heshiiska ayuu maamulka Trump uu ku tilmaamay mid ku saleysan wax qabad, iyadoo Iiraan ay ka faa’iideysaneyso kaliya haddii ay u hogaansanto ballanqaadkeeda.

Iyadoo qoraalka heshiiska uu ka tegey su’aalo badan oo aan laga jawaabin iyo arrimo badan oo muhiim ah oo aan la xalin, misna waa kuwan waxa aan ka ognahay qaar ka mid ah qodobbada muhiimka ah.

Qodobka 1: Joojinta khilaafka ‘dhan kasta’

Cutubka koowaad ee heshiiska waxa uu xusayaa in Maraykanka, Iiraan iyo xulafadiisu ay ku dhawaaqi doonaan “si degdeg ah oo joogto ah” joojinta hawlgallada milatari ee “dhammaan dhinacyada” oo ay ku jirto Lubnaan.

Marka loo eego dhinaca Maraykanka, Trump waxa uu sii kordhayay walaaca laga qabo in hawlgallada milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xisbullah ay uga sii daraan heshiiska Iiraan.

Tehran, ayaa dhankeeda, ku celcelisay inay filayso in Lubnaan ay qayb ka noqoto xabbad joojinta.

Sii socoshada hawlgallada milatari ee Israa’iil ee Lubnaan waxay noqon doontaa “xadgudubka fahamka” “tallaabooyin lagama maarmaan ah ayaa la qaadi doonaa” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Arbacadii.

Qodobka 2: Ixtiraamka ‘arrimaha gudaha’

Qoraalka dukumeentiga oo si toos ah loogu akhriyay warfidiyeenka markii waceen saraakiisha Mareykanka ayaa xusaysa in Mareykanka iyo Iiraan ay “ixtiraamayaan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee midba midka kale” ayadoo laga fogaanayo faragelinta arrimaha gudaha ee dhinac kasta.

Tani waxay u badan tahay inay si xun u arki doonaan kooxaha ka soo horjeeda Iiraan.

Horraantii sanadkan, Trump waxa uu u ballan qaaday dibad baxayaasha Iiraan in “caawintu ay jidka ku soo jirto” intii lagu guda jiray mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeeday ee ka dhacay guud ahaan magaalooyinka Iiraan.

Qodobka 3aad: Muddo 60-maalmood ah oo la kordhin karo

Marka loo eego qodobka saddexaad ee dukumeentiga, Maraykanka iyo Iiraan waxay ballan qaadayaan inay ka wada xaajoodaan oo ay ku gaaraan heshiis kama dambays ah “ugu badnaan” 60 maalmood, in kasta oo wakhtigaas la kordhin karo ogolaanshaha labada dhinac.

Tirinta 60-ka maalmood ayaa hadda bilaabatay kadib markii madaxda labada dal ay si rasmi ah u saxiixeen heshiiska is afgaradka ah.

Trump ayaa dukumentiga Iiraan ku saxiixay xaflad casho ah oo ay yeesheen madaxda G7 oo ka dhacday Palace of Versailles ee Faransiiska habeenkii Arbacada, sida uu Aqalka Cad u sheegay BBC.

Waxaa sidoo kale saxiixay madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Goor sii horreysay ayaa Trump iyo saraakiisha Iiraan labaduba waxay muujiyeen inay jiri doonto xaflad saxiix ah oo rasmi ah oo ka dhici doonta Geneva dabayaaqada toddobaadkan. Ma cadda in taasi ay wali sii socon doonto hadda.

Qodobka 4: Joojinta xannibaadda Maraykanka.

Marka heshiiska is-afgaradka la saxiixo, Mareykanku wuxuu billaabi doonaa in uu meesha ka saaro xannibaadda badda iyo “wax kasta oo carqaladayn ama carqalad ah” oo lagu soo rogay dekedaha Iiraan, qodobka afraad ayaa sidaa leh.

Go’doominta ayaa si buuxda u soo afjari doonta muddo 30 maalmood gudahood ah, sida ku cad heshiiska iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan. Inta lagu jiro wakhtigan, tirada maraakiibta uu Maraykanku ogolaado inay maraan dekedaha Iiraan waxay la mid noqon doontaa sidii ay maraakiibtu u mari jireen marin biyoodka Hormuz dagaalka ka hor.

30 maalmood gudahooda kadib markii heshiiska kama dambaysta ah la saxiixay, Maraykanku waxa uu go’aansaday in uu ciidamada Maraykanka ka saaro “u dhawaanshaha Iiraan”.

Ficil ahaan, tani waxay la macno tahay in millatariga Maraykanku uu ku soo laaban doono qaabkii iyo qalabkii ay ku hayeen ka hor intii aanay dagaalladu bilaaban 28ka Febraayo.

Qodobka 5: Marinka Hormuz

Qayb ka mid ah heshiiska ayaa xusaysa in marka la saxiixo heshiiska is afgaradka, Iiraan ay “samayn doonto qabanqaabo iyada oo adeegsanaysa dadaalkeeda ugu wanaagsan” si ay u oggolaato in maraakiibta ganacsigu si badbaado leh uga gudbaan marin biyoodka Hormuz – iyada oo aan wax lacag ah laga qaadin.

Tani waxay ahayd ujeedo muhiim ah oo Maraykanku leeyahay tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, lana xiray marin biyoodka Hormuz, taasoo sare u kacday qiimaha saliidda adduunka.

Dukumeentigu wuxuu xusay in gaadiidku ay bilaabi doonaan socodka ” isla markiiba”, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in meesha laga saaro “caqabadaha” farsamada iyo militariga iyo in la sameeyo hawlgallo miino saarid ah.

Saraakiishu waxay mar sii horreysay ku celceliyeen in ay caddeeyaan in maraakiibta aan wax lacag ah laga qaadi doonin marka ay marayaan marin-biyoodka Hormuz.

Waqtiga fog, dukumentiga ayaa lagu xusay in Iiraan ay la shaqeyn doonto Cumaan iyo dalalka kale ee Khaliijka si loo dejiyo heshiis “ballaaran” oo ku saabsan habka loo maareynayo marin-biyoodka Hormuz.

Maraykanku waxa uu aaminsan yahay in Iiraan ay xuquuqdeeda u soo bandhigi doonto “si uu xoog ku jiro”, balse dalalka Khaliijka “aysan waligood” aqbali doonin mustaqbalka kaas oo uu jiro nidaam lacag bixineed, ayuu yiri sarkaalku.

Qodobka 6: Lacagta dib u dhiska Iiraan

Qodobka lixaad ee Is-afgaradka ayaa sheegaya in Mareykanka iyo saaxiibada gobolka ay sameyn doonaan “qorshe sugan, oo labada dhinacba lagu heshiiyey” oo ku kacaya ugu yaraan $300bn (£224bn) oo loogu talagalay dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha Iiraan.

Habka kama dambaysta ah waxaa lagu heshiin doonaa 60 maalmood gudahooda ee heshiiska kama dambaysta ah, waxaana dhammaan shatiyada, dhaafitaanka iyo oggolaanshaha bixin doona Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, tani macnaheedu maaha in Maraykanku ku lug yeelan doono dhaqaale ahaan.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa xusay in Mareykanka aan looga baahneyn inuu bixiyo “hal senti oo lacag ah” ama wax ku biiriyo sanduuqa.

Tusaale ahaan, sarkaalku wuxuu sheegay in haddii Iiraan ay “u dhaqanto si wanaagsan”, mas’uuliyiinta Imaaraadku ay ka dhisi karaan warshad koronto oo uu sidaana raalli ka yahay Maraykanka.

Trump iyo mas’uuliyiin kale ayaa aad ugu dheeraaday inay shacabka Mareykanka u caddeeyaan inaysan si toos ah u bixin doonin lacagta Iiraan, taasoo uu maamulku sheegay inuu ka duwan yahay heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-kii dhexmaray Iiraan iyo maamulkii Obama.

Qodobka 7: Soo afjaridda Cunaqabataynta

Mareykanka ayaa joojin doona dhammaan cunaqabateynta dhaqaale ee ka dhanka ah Iiraan, oo ay ku jiraan kuwa lagu daray go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo kuwa uu Mareykanku keligiis u fuliyo.

Waqtiga, si kastaba ha ahaatee, ma cadda.

Dukumeentigu wuxuu xusayaa in jadwalka lagu heshiin doono qayb ka mid ah heshiiska kama dambaysta ah, laakiin labada dhinacba waxay qireen rabitaankooda ah inay “si degdeg ah” uga hadlaan arrinta wada xaajoodyada xiga.

Qodobka 8: Ma jiro hub nukliyeer ah

Iiraan ayaa ogolaatay in aysan samaysan ama soo iibsan hubka Nukliyeerka, waxaana labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay la tacaalaan uranium-ka la tanaadiyey ee Tehran ay horey u heysatay.

Habka loo maareynayo maadooyinkaas ma cadda. Dukumeentigu wuxuu xusayaa in habka “lagu heshiin doono si labada dhinacba u cuntanta” wadahadalada xiga, waxaana dusha ka ilaalin doonta Hay’adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa arrintan ku tilmaamay “halbeegga ugu yar” iyo “guul weyn” oo u soo hoyatay Maraykanka.

Trump ayaa sheegay in ka hortagista Iiraan in ay haysato hubka Nukliyeerka ay tahay “99%” waxa uu rabo markii uu bilaabayey howlgalka Epic Fury horaantii sanadkan.

Maadaama uu Maraykanku ku tilmaamay heshiiska mid ku salaysan waxqabad, qaadidda cunaqabataynta ee lagu qeexay qodobka 7 waxay ku xiran tahay Iiraan iyada oo raacaysa qodobka 8.

Qodobbada 9 & 10: Ismariwaaga

Labada qaybood ee soo socda ee heshiiska ayaa qeexaya in Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyaan “xaaladda” barnaamijkeeda nukliyeerka inta lagu jiro wakhtigan, ilaa uranium-ka la tanaadiyey lagala tacaalayo.

Ficil ahaan, tani waxay la macno tahay in Maraykanku aanu ku soo rogi doonin cunaqabatayn cusub. Dhanka kale, waxay soo saari doontaa ka-dhaafitaannada dhoofinta saliidda, batroolka iyo adeegyada kale ee la xiriira, sida macaamilka bangiyada iyo gaadiidka.

Qodobka 11: Lacagaha la xannibay

Qodobkani wuxuu caqabad weyn ku noqday wada xaajoodka. Iiraan waxa ay muddo dheer ku adkaysanaysay in hantideeda la xayiray la sii daayo.

Qodobka kow iyo tobnaad ee dukumeentigu wuxuu xusayaa in Maraykanku “uu ballan qaadayo inuu si buuxda u diyaariyo lacagaha la xayiray ama la xaddiday” marka MoU la saxiixo iyo in habraacyada lagu heshiiyo inta lagu jiro gorgortanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa Arbacadii u sheegay suxufiyiinta in qaar ka mid ah hantida la sii deyn doono inta wadahadallada isfahamka ka dambeeya ay sii socon doonaan in lagu abaalmariyo Iiraan marka ay u hoggaansanto qodobbada heshiiska, sida inay bilowdo inay la tacaasho Yuraaniyaamkeeda aadka loo tayeeyey.

Qodobbada 12-14 : Kormeerka iyo wada xaajoodka ugu dambeeya

Qodobbada ugu dambeeya ee dukumeentiga ayaa qeexaya sida uu heshiisku u dhacayo.

Waxay sheegeen in Mareykanka iyo Iiraan ay dhisi doonaan “qaab farsamo” si ay ula socdaan dhaqan galka heshiiskii is-afgaradka iyo u hoggaansanaanta heshiiska mustaqbalka, inkastoo aan la ogeyn sida ay tani u ekaan doonto ficil ahaan.

Intaa dabadeed, marka heshiiska isafgaradka la saxiixo oo la bilaabo dhaqangelintiisa, Mareykanka iyo Iiraan waxay billaabi doonaan wada xaajoodka heshiis kama dambays ah.

Ugu dambeyntiina Isafgaradku wuxuu qeexayaa in heshiiska ugu dambeeya lagu ansixin doono qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


=XIGASHO BBC SOMALI=