Baarlamanka Jabuuti oo Geelle ubedelay qodob caqabad ku ahaa dib u doorashadiisa

54

Madaxweynaha Jabuuti Ismail Cumar Geelle ayaa maanta ku guulaystay qorshihiisii ahaa in Baarlamaanku badalo qodobka Da’da ee dhigaayay qof ka wayn 75 sano in uusan u tartami karin madaxweynaha dalkaas.

Geelle ayaa mar kale tartami doona doorashada soo aadan.

Baarlamaanka Jabuuti ayaa si aqlabiyad leh maanta u ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka Jabuuti

Waxaa meesha laga saaray qodobkii dastuuriga ahaa ee xaddidayay da’da qofka u tartamaya xilka madaxweynaha Jabuuti oo ahayd wax ka weyn 75 jir inuusan tartami karin,

Talaabadan ayaa loo qaaday si mar kale uu sharciyad ugu helo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo 77 jir ah , xilkana hayay tan iyo sannadkii 1999 inuu mar kale tartamo doorashada dhacaysa bisha April ee sannadka 2026, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.