Barack Obama oo garab istaagay Ilhaan Cumar

13

 

 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa dhaliil kulul u jeediyay maamulka Madaxweyne Donald Trump, isaga oo ku eedeeyay inuu Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ku bartilmaameedsanayo aragtideeda siyaasadeed iyo dhaliilaha ay u jeediso dowladda.

Barack Obama ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in ay tahay mabda’ aasaasi u ah dimuqraadiyadda Mareykanka in dowladda aysan qof gaar ah u bartilmaameedsan karin oo keliya sababta oo ah aragtidiisa siyaasadeed ama hadallada uu jeediyo.

Obama ayaa ku dooday in maamulka Trump uu mabda’aas ka hor imanayo, isaga oo tusaale u soo qaatay tallaabooyinka baaritaan ee lagu hayo Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaanad asal ahaan Soomaali ah, kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in si loo fahmo waxa uu ku tilmaamay arrin walaac leh, ay muhiim tahay in la ogaado taariikhda Ilhaan Cumar iyo sida ay ku timid dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Ilhaan ay Mareykanka timid iyadoo 12 jir ah, ayna la socotay aabbaheed. Sida uu qoraalkiisa ku sheegay, shan sano kaddib ayuu aabbaheed qaatay dhalashada Mareykanka, xilligaas oo Ilhaan ay ahayd 17 jir.

Obama ayaa sharaxay in haddii Ilhaan ay 18 jir ahaan lahayd markii aabbaheed qaatay dhalashada, ay khasab ku ahaan lahayd inay iyadu si gaar ah u codsato dhalashada. Hase yeeshee, maadaama ay 17 jir ahayd, ayuu sheegay inay si toos ah ku heshay dhalashada Mareykanka.

Obama ayaa intaas ku daray in Ilhaan Cumar ay waxbarashadeeda jaamacadeed dhammaysatay, ka shaqaysay abaabulka bulshada, dabadeedna noqotay haweeneydii ugu horreysay ee asal ahaan Soomaali ah oo loo doorto xil sharci-dejin oo dadweyne gudaha Mareykanka, ka hor intii aan loo dooran Golaha Wakiillada Mareykanka.

Obama ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay ka mid noqotay dadka sida weyn u dhaliila maamulka Trump, taas oo uu ku dooday inay sababtay in madaxweynuhu marar badan si gaar ah u weeraro, isaga oo su’aal gelinaya inay xaq u leedahay inay dalka Mareykanka joogto.

Wuxuu sheegay in maamulka Trump uu hadda baaritaan ku hayo suurtagalnimada in Ilhaan laga qaado dhalashada Mareykanka, lagana masaafuriyo dalka, isaga oo ku dooday in tallaabadaasi ay ku salaysan tahay tuhun aan weli caddayn loo soo bandhigin.

Sida uu Obama ku sheegay qoraalkiisa, tuhunka ugu weyn ayaa la xiriira da’da Ilhaan Cumar xilligii aabbaheed qaatay dhalashada Mareykanka, iyadoo la baarayo in da’deeda si khaldan loo diiwaangeliyay.

Obama ayaa sidoo kale sheegay in saraakiil federaal ah ay baaritaan ka sameeyeen guriga Ilhaan Cumar, isla markaana ay qaateen dukumentiyo gaar ah iyo taleefankeeda, isaga oo tallaabooyinkaas ku tilmaamay isku day lagu raadinayo caddeymo la xiriira dhacdooyin dhacay labaatan sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanka dowladda Mareykanka ayaa la xiriira tuhunno ku saabsan dukumentiyadii socdaalka iyo dhalashada ee Ilhaan Cumar iyo qoyskeeda. Ilhaan ayaa hore u diidday eedeymaha ka dhanka ah, iyadoo ku tilmaantay baaritaanka mid siyaasadeysan. Ilaa hadda, eedeymahaasi ma aha dembi ay maxkamad ku caddaysay.