
Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa ugu baaqay Isimadda Puntland, in ay isugu yimaadaan shirweyne looga tashanayo aayaha maamulka Puntland, kaddib is-beddelo dhacay oo ay kamid yihiin in maamul cusub laga dhisay Waqooyi Bari oo qeybo kamid ah Puntland horey uga tirsanaa.
Boqorka, ayaa sidoo kale si weyn usoo dhaweeyay shirar ay dhawaan magaalooyinka Boosaaso iyo Garawe ku yeesheen qaar kamid ah Isimadda Puntland, kuwaa oo ka arrinsanayay xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo is-beddelada soo kordhay.
Bayaan uu soo saaray Boqor Burhaan , ayaa lagu sheegay in uu soo dhoweynayo go’aamadii kasoo baxay shirarkii magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kuwaas oo Isimadu ku baaqeen in si wadajir ah looga tashado aayaha Puntland iyo midnimada bulshada.
Halkan ka Akhriso Bayaan uu kusoo saaray Boqor Burhaan





















