Burundi oo sheegtay xiliga ay Ciidankeeda kala baxeyso Somalia.

36

Mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa wajahaya isbeddello cusub, iyadoo dowladda Burundi ay dadaal ugu jirto sidii ay ciidamadeeda uga saari lahayd Soomaaliya ka hor dhammaadka muddada howlgalka, xilli dowladda Uganda ay dhawaan la baxday ciidamadeedi u horreeyay, sida ay baahisay warbaahinta Africa Intelligence.

Qorshaha Burundi ayaa ku soo aadaya xilli AUSSOM ay haysato oggolaansho ay ku sii shaqeyso ilaa 31-ka December 2026, sida ku cad qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2809, kaas oo la ansixiyay bishii December 2025, iyadoo howlgalka loo qorsheeyay inuu gaaro illaa 11,826 askari iyo boolis.

Ciidamada Burundi ayaa Soomaaliya joogay tan iyo 2007-kii, xilligaas oo ay qeyb ka ahaayeen howlgalka AMISOM, waxaana muddada dheer ay si weyn ugu tiirsanaayeen taageerada saadka ee Qaramada Midoobay si ay u fuliyaan howl-galladooda iyo dhaqdhaqaaqyadooda gudaha Soomaaliya.

Taageerada muhiimka ah waxaa bixiya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo ciidamada Midowga Afrika u fududeeya adeegyo ay kamid yihiin sahayda cuntada, shidaalka, gaadiidka iyo adeegyada caafimaadka, iyadoo taageeradan ay muhiim tahay xitaa marka la qorsheynayo bixitaanka ciidamada.

AUSSOM ayaa haatan wajahaysa caqabado dhaqaale iyo kuwo la xiriira taageerada saadka, taas oo dhalisay doodo ku saabsan qaabka howlgalka loo sii wadi karo iyo muddada uu Soomaaliya ka sii shaqeyn doono.

Haddii ciidamada Burundi ay ka baxaan Soomaaliya, tallaabadaasi waxay noqon kartaa isbeddel kale oo muhiim ah oo ku yimaada qaab-dhismeedka ciidamada Midowga Afrika, iyadoo dowladda federaalka ay waddo dadaallo ciidamada qaranka ugu diyaarinayso inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.