C/rashiid Janan oo ciidankii DF ee B/Xaawo ku wareejiyey Axmed Madoobe.

9

Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa saaka si rasmi ah waxay ula wareegeen Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo kadib wada hadalo mudo u socday C/rashiid Janan iyo Axmed Madoobe.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay Magaalada markii aysoo gaareen saraakiil reer Jubaland oo qaarkood dhanka Mandera ka yimaadeen,sidoo kale ciidamo badan oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay magaalada kuwaasoo isugu jireyaCiidamadii C/rashiid Janan ee Dowlada taageersanaa kuwaasoo hore u joogay iyo kuwa hada dhanka Jubaland ka yimid ,waxayna u muuqdaan inay isku biireen oo ay hada kadib hoos tagi doonaan Maamulka Jubaland.

Gobolka Gedo ayaa mudooyinkaan danbe wuxuu galay loolan u dhexeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland iyadoo hada ay u muuqato in Gobolka intiisa badan ay la wareegeen reer jubaland halka awal ay Dowladu inta badan ka muuqatay Gobolka sida caasimada garbahareey,Baardheere iyo Balad-xaawo.