
Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa wareysi uu siiyay Wakaalada wararka Reuters wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah sida aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil iyo heshiisyo ganacsi oo ay la geli doonaan.
Ciro wuxuu u sheegay Reuters in dhamaan Macdanta ku jirta dhulka Somaliland ay ku wareejin doonaan Israa’iil islamarkaana ay uga badalan doonaan dhaqaale badan.
Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arimaha aqoonsiga iyo rajada ay ka leeyihiin in dunida ay aqoonsi ka helaan ayuu sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan inay maalin un arkaan Dowladaha Jabuuti Somalia inay aqoonsan doonaan,sidoo kale wuxuu xusay isagoo la hadlayay Reuters dhamaan dalalka kale ee caalamka iyagana ay ka rajeynayaan inay aqoonsan doonaan.
“Waxaan rajeyneynaa in Soomaaliya iyo Jabuuti oo deriskeenna ah, iyo dhammaan dunida kale ee Qaramada Midoobay ka tirsan inay aqoonsan doonaan Somaliland.” ayuu yiri C/raxmaan Ciro oo ah Madaxweynaha Maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya ee la baxay Somaliland.





















