
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdulllahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa caawa tallaabo cusub u qaaday gobolka Hiiraan, isaga oo u magacaabay maamul cusub, kadib wareegto uu goordhow soo saaray.
Cali Guudlaawe ayaa Mudane Cabdullaahi Barre Cilmi u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, isaga oo la filayo inuu wax ka qabto xaaladda gobolka, gaar ahaan xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne.
Barre ayaa ah Gaashaanle Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna kamid ahaa saraakiishii uu shalay dalacsiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Gaashaanle Sare Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa beddalaya Muuse Salaad Wehliye oo dhawaan uun iska casilay xilka guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, sababo la xiriirta kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay isaga iyo madaxda HirShabelle oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xalinta tabashada ay qabaan bulshada reer Hiiraan.
Sidoo kale, wuxuu is-casilaaddiisa kadib ku biiray dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne ee lagu diidan yahay dib u doorashada Madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), kuwaas oo ay hoggaaminayaan Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo taliyihii hore ee Hay’adda NISA, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).



















