Cali Cosoble oo ka shifay qorshe ay wataan Dabageed iyo Sanabloolshe.

8

Madaxweynihii hore ee HirSHabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa ka digay dhaq-dhaqaaqyada ka socda Beledweyne, isaga oo si gaar ah ugu eedeeyay madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaaladaas oo xarun u ah Hiiraan.

Cali Cosoble ayaa ku eedeeyay Dabageed iyo Sanbaloolshe in markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka waayeen wixii ay raadinayeen ay u dhaqaaqeen Beledweyne, si ay halkaas uga raadiyaan danahooda siyaasadeed, isaga oo sidoo kale ku baaqay in aan loo ogolaan inay dagaan xarunta gobolka.

“Qorshaha Dabageed iyo Sanbaloolshe waa wixii ay Xasan Sheekh ka wayeen ayey B/weyne ka soo raadiyeen. Ujeedo kale ma laha ee yaan laga aqbalin iney xaunta gobolka dhax dagaan. Waxaad moodaa inuu Dabaged rabo inuu Cali Madaxweyne isku dilo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Cali Madaxweyne waxgaradkiisa waxaan kula talinayaa iney Dabageed ka saaraan xarunta gobolka. Beledweyne waa weyn tahay ee meeshii kale oo uu rabo ha ka dago laakin xarunta waa maya”.

Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ujeeddada siyaasiyiintan ay tahay inay fowdo ka abuuraan Beledweyne, isla markaana ay fursad siyaasadeed ka dhex raadinayaan shacabka Hiiraan oo uu sheegay inay horay u dayaceen.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in siyaasiyiinta ay doonayaan in gobolka ay ka abuuraan xaalad qalqal iyo khilaaf ah, si ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

“Dabageed madaxweyne ku xigeenkii ayuu soo waayay ee yuusan idiin seex-seexan. Halka uu Sanbaloolshe Xasan Sheekh u diiday inuu Hirshabelle madaxweyne ka noqdo. Labadooda markey caariyeen wexey u soo jeesteen iney gobolka fowdo ka kiciyaan si ay Xasan Sheekh u tusaan iney labadooda heystaan Hiiraan. Yaan la aqbalin owr kacsiga nimanka ilma adeerka ah ee isku ujeedadana ah. Labadooda wexey sameeyeen shan sano ee la soo dhaafay waad ogtihiin haddana shan sano kale ayey rabaan iney madaxa idinka fuulaan,” ayuu mar kale yiri Cali Cosoble.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli beesha Xawaadle ay muddooyinkii dambe dooneysay inay hesho xilka ugu sarreeya ee HirShabelle, waxayna haatan si adag u diidan tahay go’aanka uu xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh uu musharaxa u siiyay Cali Guudlaawe oo haatan hoggaamiya maamulka.