
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa si adag uga hadlay dhacdadii aragagaxa badneyd ee ee Shalay ka dhacday deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolkaas.
Gudoomiye Najax ayaa ku hanjabay inaysan meelna gabaad ku heli doonin kooxahii sida arxan darada aheyd ugu dilay ninka odayga ahaa tuulada Dudumaaye oo hoostagta degmada Wanlaweyn ee gobolka ShabeellahaHoose.
“Waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid muwaadin si arxan darro ah loo dilay, kadibna meydkiisa la gubay, falkaas oo ka dhacay duleedka Degmada Wanlaweyn” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax).
Dilka ninkan odayga ahaa ayaa la sheegay inuu yahay mid la xariira aargoosi aano qabiilah, waxaana sidoo kale la tilmaamay in ninka la dilay uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsanaayay.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay mid aad u fool xumo badan oo aan la aqbali karin, islamarkaana la qaadi doono tallaabo adag si loo xaqiijiyo in mar kale aysan dhicin dhacdo noocaan oo kale ah.
“Dhacdadan foosha xun waa mid aan marnaba la aqbali karin. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose wuxuu si cad u cambaareynayaa falkan, wuxuuna shaacinayaa in la qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag, si loo xaqiijiyo in dembigaasi uusan mar kale dhicin.” Ayuu yiri gudoomiye Najax.
Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiyaha in haatan ciidamada amaanka ay bilaabeen baaritaano lagu haayo kooxahii dhacdadan ka dambeeyay islamarkaana ciidamadu gacanta ku soo dhigeen afar ka mid ah kooxaha ku eedeysan falkan.
“waxaan farayaa Maamulka Degmada Wanlaweyn iyo laamaha amniga in ay si degdeg ah waajibaadkooda u gutaan, dembiileyaashana la horkeeno sharciga. Dowladnimo waxay ku bilaabataa Caddaalad.” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax).
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa imaanaya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u dalbadanayaan in cadaalada la horkeeno kooxahii ka dambeeyay dilka foosha xumaa ee loo geystay ninka odayga ee nolosha lagu gubay.




















