Ciidamada dowladda oo baaritaan hub ka bilaabay degmada Cabdicasiis.

24

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu ururinayo hub sharci darro ah oo la rumeysan yahay in lagu qariyay gudaha magaalada Muqdisho, kadib weerar dhowaan ka dhacay degmada Cabdicasiis.

Taliye Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in ciidamadu ay baaritaanno ka wadaan goobo kala duwan oo laga shakisan yahay in lagu kaydiyay hubkaas, si looga hortago khatar amni oo sii kordhaysa. Waxa uu intaa ku daray in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda.

Booliiska ayaa shacabka degmada Cabdicasiis iyo deegaanada ku dhow ku boorriyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Ugu dambayn, Taliska ayaa digniin adag u diray cid kasta oo lagu helo hub sharci darro ah, iyagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, halka shacabka lagu dhiirrigeliyay inay soo gudbiyaan xogta la xiriirta hubka iyagoo adeegsanaya lambarada gurmadka 991 iyo 199.