Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay Taliyihii NISA ee Doolow

52

Wararka ka imaanaya degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi saakay tahay mid degan, kaddib dagaal xooggan oo saacado socday oo gudaha Doolow ku dhax maray ciidamada Jubbaland iyo kuwa NISA.

Dagaalka xalay , ayaa qarxay kaddib markii ciidamada Jubbaland oo garab ka helayay ciidamo Itoobiyaan ah weerar ku qaadeen xero ay degmada Doolow kaga sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugidda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya gubeen hub iyo saanad ciidan oo yaallay xarunta ciidamada Nabadsugida, waxaana wararku intaa ku darayaan inay gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya la wareegeen xerada, gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ciidanka Nabadsugida.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Doolow ayaan ilaa hadda la ogeyn, mana jiro wax war ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay weerarka xalay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Itoobiyaan ah ku qaadeen xerada NISA ee Doolow.

Weerarka ciidanka Itoobiyaanka xalay ku qaadeen xerada NISA ee Doolow, ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Adis Ababa ay joogaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad.