Ciidanka Laftagareen oo dhaqdhaqaaqyo aga gaarka Baydhabo.

15

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa muujinaya in ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta Gareen”, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelladii ugu dambeeyay ee maamulka gobolka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in gaadiid dagaal oo gaashaaman iyo hub culus la geeyay fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Lafta Gareen ee ku yaalla duleedka Baydhabo. Taageerayaasha hoggaamiyihii hore ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay uga gol leeyihiin sugidda ammaanka iyo ka hortagga waxa ay ku tilmaameen faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah Koonfur Galbeed.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli uu maamulka Koonfur Galbeed galay marxalad siyaasadeed oo cusub, kadib markii xilka laga qaaday Lafta Gareen, isla markaana la dhisay maamul cusub oo uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur “Aadan Madoobe”.

Siyaasiyiin iyo xubno ku dhow Lafta Gareen ayaa dhaliilay habkii loo maray isbeddelka hoggaanka, iyagoo ku doodaya in geeddi-socodkaasi aanu helin sharciyad iyo taageero ku filan oo ka timaadda bulshada Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay la soo gabagabeeyay tababar iyo abaabul ciidan oo ka dhacay deegaano ku dhow Baydhabo. Mas’uuliyiin taageersan Lafta Gareen ayaa sheegay in ciidamadaasi loo diyaariyay difaaca danaha siyaasadeed ee maamulka iyo ilaalinta awoodaha uu dastuurku siinayo Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada Baydhabo, iyadoo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo sii kordhaya.

Kororka xiisadda ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo suurtagalnimada isku dhac cusub oo ka dhex qarxa dhinacyada siyaasadeed ee isku haya maamulka Koonfur Galbeed, xilli weli aysan jirin dadaallo muuqda oo lagu dejinayo xaaladda.