Ciro oo diiday heshiis uu Xasan Sheekh lagalay Maraykanka

48

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Soomaaliya ayna ka talin Berbera, isla markaana ayna cidna heshiis kula geli karin.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay warqad la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Maraykanka kaga codsaday in uu isticmaalo dekedaha iyo madaarada Berbera iyo Boosaaso, ayaa sheegay in dowladda federaalku ayna xataa Muqdisho si buuxda u wada xukumin.

“Waa la yaab wararka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo maamuli kari la’ Muqdisho, haddana waxa uu ku baayactamayaa Dekedda Berbera, warqadna wuxuu u qoray Madaxweynaha dalka Maraykanka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo maamula hawadeeda, dhulkeeda iyo baddeeda. Wuxuu intaas ku daray in codsiga dowladda Soomaaliya uu marin-habaabinayo beesha caalamka isla markaana khatar ku yahay nabadda gobolka.

“Somaliland waxaa ka taliya dowlad shacabku soo doortay, waxaana u sheegayaa beesha caalamka, Somaliland Xasan Sheekh kama taliyo, wuxuu ka taliya Muqdisho, Muqdishana kuma filna,” ayuu yidhi Cirro.

Madaxda iyo bulshada Somaliland ayaa si weyn uga falcelisay warqadda la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya u diray Trump, taas oo shalay lagu baahiyay jariidadaha Semafor iyo Reuters. Dowladda Soomaaliya dhankeeda wali si rasmi ah ugama jawaabin.

Jariidadaha warkan baahiyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay codsigan uga gol leedahay inay hor istaagto aqoonsi la naawilayo in Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay ku qanciso Washington inay Muqdisho oo keliya la macaamisho.