Cirro oo Safiirka Israel ee S/LAND ka guddoomay warqadihii aqoonsiga + Sawirro

8

 

Danjiraha dowladda Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Amb. Michael Lotem ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyadoo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu warqadaha aqoonsiga uga guddoomay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada.

Madaxtooyada Somaliland ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid astaan u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil iyo labada shacab.

Madaxweyne Cirro oo si diirran u soo dhaweeyey Safiirka Israa’iil ayaa ugu hambalyeeyey xilka diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isagoo imaatinka danjiraha ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.

Cirro ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xiriir ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.

Sidoo kale wuxuu xusay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland, gaar ahaan marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo ka qayb qaadashada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka.

Ugu dambayntiina, Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka dhinacyada badan leh ee Israa’iil, kaasi oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay aragti fog, dano wadaag iyo natiijooyin midho dhal ah oo waxtar u leh labada dhinac.