Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Sabtidii ka dhacday deegaanka Gareeri oo koonfur kaga beegan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaas lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dadka dhintay waxaa ku jira Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka oo xoolo dhaqato ahaa ayaa loogu tegay iyaga oo waraabinayo xoolahooda, kadibna sidaas ayaa lagu laayay, sida ay sheegtay Senator Zamza Cabdullahi Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.
Senatorada oo metasha dadkaasi oo kasoo jeeda Beesha Gaaljecel ayaa xaqiijisay in dhimashada ay gaartay illaa 13 qof, isla markaana ay mas’uuliyadda qaadeyso Koonfur Galbeed.
Dadka dhintay waxaa ku jira Hooyo, Aabe iyo ilmo yar oo ay dhaleen, waxaana dilkooda lala xiriiray aano qabiil oo ka taagan aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Dhimashada waxay mareysaa 13 qof oo qoysas dhan oo la’is ag dhigay, kadibna la laayay arrintaa waxaa wax laga waydiinayaa Laftagareen & wasiirkiisa amniga” ayay tiri Zamzam.
Dhanka kale, Nabadoon u hadlay dadka xoola dhaqatada ah ee la laayay ayaa ku eedeeyay dhibaatada dhacday inay ka dambeeyeen ciidanka Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay inay arkayeen ragga weerarka gaystay, balse aysan waxba ka qaban.
“Ilaahey ha u naxariisto dadkii masaakiinta ahaa ee xoolo dhaqatada ahaa oo maanta loogu tegay wartii ay xoolaha ka shubanaayeen, iyaga oo waxba ka ogeyn inay u tageen niman ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed halkaas ay ku xasuuqeen” ayuu yiri Nabadoon u hadlay ehelka dadka la laayay.
Sidoo kale wuxuu farriin u diray dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, si ay usoo farageliyaan kiiska dadka la laayay, haddii kale ay iyagu bixin doonaan jawaab culus.